HESHIIS DHACAY! Bonucci ku Juve, Higuain-Caldara ku AC Milan

0

(Milano) 01 Agoosto 2018 – Sida uu haatan werinayo hilinna Sky Sport, heshiiskii waynaa ee Milan iyo Juventus ayaa hirgalay, iyadoo ay labada dhinac is waydaarsan doonaan 3 laacib.

Waxaa Milano aadaya Higuain iyo Caldara oo ku biiraya kooxda Gattuso, halka uu Bonucci ku laabanayo Juventus-ta Allegri.

Labada laacib ee daafaca ah ayaa lagu qiimeeyay adduun is le’eg oo ah 40m oo euro, halka Pipita laga bixinayo 18 milyan sanadka dambena 36 milyan kaddib 12 bilood.

Waxa la sugaaba waa saxiixa iyo rasmiyaynta heshiiska iyo laacibiinta oo kala aada labada kooxood, iyadoo ay labada difaac berriba kasoo safrayaan Maraykanka, Pipita-na Torino isagoo caawaba iman kara Milano.

Hadalsame Media