AC Milan oo isha la heshay Adrien Rabiot (Wada hadallo bilowday)

0

(Paris) 01 Agoosto 2018 – Saacadihii ugu dambeeyay, laacib cusub ayaa lala xiriirinayaa khadka dhexe ee Rossoneri, waana Adrien Rabiot, oo u safta PSG kaasoo ay kooxda Aldo Rossi horay dhowr mar iskugu dayday.

Sida uu qorayo Tuttosport, Leonardo oo aad u yaqaanna laacibkan ayaa la sheegayaa inuu telefoonka ku wacay hooyadii oo ah wakiilkiisa, iyadoo laacibka la heli karo marka la eego xilliga uu qandaraaskiisu dhacayo oo ah 30 Juun 2019, waxaa dheer inuu macallinkiisa Thomas Tuchel uu ka dhawaajiyay inay wax kasti ku xiran yihiin dookha laacibka.

Yeelkeede, Leonardo ayaa iminka ku mashquulsan wax loogu magac daray howlgalkii waynaa oo khuseeynaya Bonucci-Caldara-Higuain, kaasoo haatan woxoogaa istaagey kaddib markii uu dalabyo cusub la yimid Higuain, in kastoo ay wararka qaar sheegayaan inuu heshiisku dhici karo, ama ugu yaraan uu midkood socon karo sida Bonucci-Caldara oo isaga la isku afgartay.

Hadalsame Media