XOG: Turkiga oo doonaya inuu ku biiro isbahaysi lid ku ah Maraykanka iyo Midowga Yurub

0

(Ankara) 31 Luulyo 2018 – Dalka Turkey ayaa gedgedinaya go’aan ku saabsan inuu ku biiro dalalka BRICS, jeer uu madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan uu raadinayo fursad uu ku ballaariyo saamayntiisa siyaasadda dibedda, kaddib markii uu daxalaystay xiriirkii kala dhexeeyay Yurub, halka midka Maraykanku uu dhagax herdiyay.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa dalalka ku bahoobey baloogga BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Africa) usoo jeediyay inay “T” ku daraan erayadaa lasoo gaabshey, isagoo ka mid ahaa dalalkii lagu casuumey shir madaxeedkii ugu dambeeyay ee BRICS, wuxuuna  Hurriyet Daily News u sheegay inay u guuxeen aragtida ah inuu Turkey ku biiro ururkaasi.

Evgeniy Bakhrevskiy, oo ku xigeen ka ah Machadka Daraasaadka Dhaqanka iyo Hiddaha Dabiiciga ah ee Ruushka, ayaa sheegay in Erdogan uu ku daaley siyaasadda wejiyada badan ee reer Galbeedka.

Hadalsame Media