DHEGEYSO: Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday dhisidda xisbi siyaasadeed oo uu musharax u yahay Farmaajo doorashada 2020-ka

0

(Muqdisho) 30 Luulyo 2018- Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka dhawaajiyay in dhowaan dowladdu furan doonto Xisbi weyn.

Mahdi Guuleed ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu weydiiyay sababta ay dowladdu u furan la’dahay Xisbi, si ay isku diiwaan geliso.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay rajeynayaan in doorashada 2020 in la dooran doono Madaxweyne Farmaajo, iyadoo lagu dooran doono barnaamijkiisa siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa isku diyaarinaya in sanadka 2020 ay qabtaan doorasho qof iyo cod, kaasoo ay ka qeyb qaadan doonaan xisbiyada Siyaasadda.

Halkan hoose ka dhageyso.

Hadalsame Media.