”Sidan waxaad ku waayaysaa saaxiib wayn” – Turki & Maraykan oo ay meel xun ka mareeyso hanjabaadana is dhaafsaday!

0

(Ankara) 29 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Turkey ayaa Maraykanka uga digey inuu lumin doono olog qiime badan marka la eego sida ay Washington u wajahayso nin Turkiga ugu xiran eed basaasnimo la xiriirta.

Mar uu u warramayay warbaahinta dalkaasi Turkiga wuxuu madaxwayne Recep Tayyip Erdoğa carrabka ku dhuftay cunaqabataynta loogu gooddiyay Ankara, isagoo dhiggiisa Donald Trump ku eedeeyay inuu wado “dagaal nniyadeed (psychological war),” sida uu faafinayo Daily Sabah.

Washington waxay luminaysaa “olog xooggan oo daacad ah” haddii aanu Maraykanku bedelin hab-dhaqankiisa ku aaddan Brunson,” ayuu yiri Recep Tayyip Erdoğan, kaddib hanjabaad ka timid Trump.

“Maraykanku waxay Turki ugusoo rogayaan cunaqabatayn ballaaran, xiritaankooda muddada dheer ee Pastor Andrew Brunson, oo ah Masiixi wayn, nin qoys iyo insaan cajiib ah. Wuu silcay ee waa in loosii daayaa sida ugu dhaqsaha badan!” ayuu Trump kusoo qoray Twitter.

“Marna uma dulqaadan doonno hanjabaad ka timaadda cid kasta,” ayuu Çavuşoglu ayuu warkaa uga jawaabey ka hor intaanu telefoonka kula hadal dhiggiisa Pompeo.


Hadalsame Media