ERITREA: Somalia HAL DHAGAX ayay laba shimbirood ku dili kartaa (Maxay?)

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa shalay dalka Eritrea uga bilowday saddex maalmood oo booqasho rasmi ah. Waxaa casumaadda fidiyey madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyada oo ay tallaabadan ku soo aaday kaddib markii ay dhawaan heshiiyeen dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed lama lahayn dhawaantan dalkan ku go’doonsanaa Bariga Africa muddo sanado ah.

Waxyaabaha go’doomiyey waxaa ka mid ahaa in lagu eedeeyey taageerida kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya iyo u soo dejinta hub iyo sanaad xilli ay Qaramada Midoobay Soomaaliya saareen cunaqabaten dhinaca hubka ah.

Sidoo kale Eritrea waxa ay dagaallo kula jirtay wadamada jaarka la’ ah sida Itoobiya iyo Jibuuti. Hase ahaatee, bishan waxaa ka curtay Geeska Africa hir siyaasadeed oo aan hore loo arag hormuudna u yahay Ra’iisul Wasaaraha da’da yar ee Itoobiya Dr Abiy Ahmed.

Waxaa dib u soo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan Eritrea iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyey dagaalkii ugu mudada dheeraa qaaradda Africa, taas waxa ay iyana dhabbaha  u xaartay in uu haatan Madaxweynaha Soomaaliya booqdo Asmara dibna u soo celiyo cilaaqaadka labada dal!

Hadaba sidee ayey Soomaaliya uga faa’idetsan kartaa dib u soo noleynta cilaaqaadka ay la leedahay Eritrea?

Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya waxaa ugu jirta faa’ido weyn dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka Eritrea isla sida ay dowladda Asmara ugu tahay mid ahmiyad weyn.

Asmara waxa ugu weyn ee ay ka faa’idi karto waa in ay Soomaaliya ku qanciso in ay Qaramada Midoobe ku garab siiso in laga qaado cunaqabateynta saaran iyo furidda wadahadallo ay la gasho Jabuuti oo ay dhul isku hayaan.

Dhinaca Soomaaliya waxa ay arintaas uga faa’ideysan karaan laba arimood

Midda Koowaad:

In ay Eritrea kala hadlaan joojinta taageerada ay siiyaan Al-Shabaab. Taas, waxa ay dowladda u sahleysaa in la wiiqo awooddii kooxda dagaalka kula jirta ee Al Shabaab

Midda Labaad

Arrinta labaad ee ay dowladda Farmaajo ka faa’idi karto cilaaqaadka Eritrea waa in ay ka codsato ciidamo yimaada Soomaaliya kuwaas oo xoojiya SNA iy AMISOM si loo dar dar galiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xataa haddii, ay dowladda Federal-ka ah u heli weyso dhaqaale calaami ah, waxa ay Eritrea ka codsan kartaa tiro ciidamo military ah oo ay Muqdisho bixiso mushaarkooda,  Soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Eritrea soo dowladda madaxweyne Farmaajo uma aha hal dhagax oo ay ku dili karto laba shimbir!?

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

FG: Maqaal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media