DAAWO: Waa sidee xaaladda nololeed ee Soomaalida Eritrea + Sawirro (Madaxwaynaha oo la kulmay)

0

(Casmara) 29 Luulyo 2018 – Waxaa dalka Eritrea booqasho rasmi ah oo ah tii ugu horreeysey ee uu madaxwayne Soomaaliyeed ku tago ku jooga madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxwaynaha ayaa maanta la kulmay Soomaali halkaasi ku nool, kuwaasoo ay qaarkood 20 sano ka badan halkaasi ku noolaayeen, waxaana wehlinayay madaxwaynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

”Waxaa nalal siiyay waxa ugu qiimaha badan, taasoo ah ciidda, waayo waxaannu la mid nahay shacabka Eritrean-ka, haddaynaanba ka fiicnayn” ayuu yiri oday Soomaaliyeed oo ka mid ah dadkii la kulmay madaxwaynaha Somalia.

”Colaadi waa na daashatee nabadda ka shaqeeya” ayay ku baaqday hooyo Soomaaliyeed.

Somalia ayaa aad u caawin jirtey shacabka Eritrea xilligii ay ku jireen daggaalladii gobanimo doonka ahaa ee ay kula jirtey xukunkii kali taliska ahayd ee Itoobiya ee Mingiste Haille Mariam, iyagoo abaalka xornimadooda u haya Somalia.

HALKAN HOOSE KA DAAWO…

Hadalsame Media