DAAWO: Ciidamada Badda Ruushka oo xusay sanad-guuradii 322-aad ee asaaskooda + Sawirro

0

(St. Petersburg) 29 Luulyo 2018 – In ka badan 40 markab oo kuwa dagaalka ah iyo 4,000 oo badmaax ayaa ka qayb qaatay Maalinta Ciidamada Badda Ruushka oo lagu maamuusay magaalada Saint Petersburg, taasoo uu ka qayb galay amaan-duulaha guud Vladimir Putin, iyadoo munaasabaddan oo kale lagu qabtay inta badan magaala xeebeedyada Ruushka.

Ciidamada Badda oo gooshayay webiga Neva ee magaalada St. Petersburg, ayaa xusayay wax lagu sheegay sooyaalka hodanka ah ee kasoo wareegay jiritaankooda oo ka badan 3 qarni ka badan.

“Ciidamada Badda Ruushku waxay hubiyaan amaanka dalkeenna, waxay ka qayb qaataan la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, waxay door muhim ah ka qaataan istraatijiyadda caalamka,” ayuu Putin ugu khudbeeyay badmaaxyada.

Raxanta Badda Ruushka, waxaa 1969-kii aasaasay Qaysarkii Peter the Great, waxayna haatan jiraan 322 sanadood, waxaana maalintan Ciidamada Badda la maamuusayo la magacaabay 1939-kii, iyadoo la xusayay Axadda ugu dambaysa bisha Luulyo tan iyo 1980-kii.

Hadalsame Media