”Ciyaarta dhabta ihi hadda ayay bilaabatay!!” – Sidee shacabka Eritrean-ku u arkaan booqashada madaxwaynaha Somalia? + Sawirro

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2018 – Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku tegayo caasimadda Eritrea ee Casmara.

Madaxwayne Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu marti qaad rasmi ah ka helay madaxwaynaha Eritrea ee Isaias Afwerki.

Haddaba, sidee dadka reer Eritrea u arkaan imaanshaha madaxwaynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee abid dalkooda booqda?

Tadi Henok ”Hadda ugu dambayn wax kasta waa isu imanayaan, kaddib markii ay dhimatay TPLF-tii sharta ahayd iyo wax kasta oo ay karinayeen 27-kii sano ee ka dhanka ahaa shucuubta Geeska Afrika, soo dhowaada walaaleheenna Soomaaliyeed.”

Michael Hadgu Abraha ”Eritrea waxay weligeed gabar taagnaan doontaa MIDNIMADA umadda Soomaaliyeed.

Habtay Hagos ”Xushmad wayn ayaannu u haynaa dadka Soomaaliyeed iyo madaxwayne Farmaajo. Kusoo dhowoow dalkaadii 2-aad, waan hubaa inay dhamaanto doono dhibaatada Somalia

Huseen Namoo ”Waa dhamaadeen waayihii qaybi oo xukunta. BARIGA AFRIKA waxay noqon doontaa dhul naga dhexeeya”

Godir Garyaqan Garweyne ”Sida cad waa safar taariikhi ah, waxaana filaynaa inay labada madaxwayne horseedaan iskaashi caalami ah iyo fursado cusub oo u curta gobolka Bariga Afrika”

Wuletaw Yonas II ”Bariga Afrika waa inay is kaashataa. Waa tillaabo fiican”

Habtom Kahsay Hagos ”Somalia waa inay Eritrea ka caawisaa qaadista cunaqabataynta”

Tesfamichael Abraha ”Kusoo dhowoow Eritrea Mudane Formajo oo aan xor ka noqonno cunaqabatayn”

Aman-Ertra Yemane ”Soo dhowaada walaaleheenna Soomaaliya”

Melake Adhanom ”Soo dhowoow madaxwaynaha Somalia oo kusoo biir nabadda, wax kasta waa isu imanayaan”

Tizita Yemane ”Cajiib waa bilow u wanaagsan Bariga Afrika iyo dunidoo dhan”

Talat Parveen ”Waxay u muuqaataa in isdhexgal heer gobol ihi uu hirgelayo”

Maekele Sium ”Geeska Afrika meel wanaagsan markale hallaga dhigo!!!”

Tikuresew Zintalem ”Ciyaarta dhabta ihi hadda ayay bilaabatay”

Waa qaar ka mid ah fal-celintii ay shacabka Eritrea ka bixiyeen booqashada madaxwaynaha Somalia oo booqasho 3 maalmood ah oo rasmi ah dalkaa ku kala bixin doona.

Hadalsame Media