XOG HOOSE: Maraykanka oo u ‘diyaar ah’ inuu weeraro Iiraan (3 ka mid ah isbahaysiga Shanta Indhood oo ku jira)

0

(Washinton DC) 27 Luulyo 2018 – Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu bartilmaameedsan karo wershadaha nukliyeerka ku shaqeeya ee Iiraan kaddib markii ay labada dhan hanjabaado iswaydaarsadeen, sida ay ABC werinayso.

ABC oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka, Malcolm Turnbull, ayaa sheegtay inay rumaysan yihiin in Maraykanku “diyaar u yahay” inay garaacaan rugaha nukliyeerka Iiraan, iyagoo weliba sheegay in uu weerarka 1-aad dhici karo horraanta bisha soo aaddan.

Australia, oo ka mid ah xulufada sirdoon ee loo yaqaanno Shanta Indhood (Five Eyes), ayaa la sheegayaa in ay ololahan qayb ka qaadanayaan iyagoo far muuqi doona bartilmaameedyada la garaaci doono.

Waxaa sidoo kale yeeli doona UK, halka labada kale ee ku jira isbahaysiga Shanta Indhood – oo ah Canada iyo New Zealand – “aan laga yaabin inay door ka ciyaaraan tillaabo millateri oo Iiraan laga qaado,” sida ay qabto ABC.

Maraykanka ayaa ku socda siyaasad hoowtal hamag ah oo ay inta badan ka dambayso dowladda Israel, iyadoo ay weli holcayaan dalalkii uu weeraray ee Bariga Dhexe.

Hadalsame Media