Sarkaal ka tirsan hey’adda nabad sugida oo Muqdisho lagu dilay

0

(Muqdisho ) 25 Luulyo 2018 – Fiidkii hore xalay Magaalada Muqdisho waxaa kooxo hubeysan ay toogasho ka geysteen bartamaha Magaalada.

Rag Bitoolado ku hubeysan ayaa dhowr xabadood qeybta sare ee Jirka kala dhacay Sarkaal katirsan Nabad Sugida Somaliya oo lagu Magacaabo Ismaaciil Ciriiri, Waxa uu xiliga la beegsnaayay Marayay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Boosteejada laga raaco gawaarida Dadweynaha.

Goob Joogayaal ayaa soo sheegay in dilka kadib ay goobta isaga carareen Dhalinyaradii Bistooladaha wadatay ee beegsatay Sarkaalka Nabad SUgida katirsan.

Marxuumka la dilay, waxa uu mar soo Noqday Taliyihii Nabad Sugida ee Degmada Waaberi, iyadoo mar danbe ay goobta tageen Ciidamo katirsan Nabad SUgida oo soo qaaday meydka Marxuumka si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Si Kastaba, Dhalinyarada Bistooladaha la cararta ayaa dilal qorsheysan waxa ay ka fuliyaan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana arintan barbar socda howlgalo ay wadaan Ciidamada Dowladda oo lagu baadi goobao Shabaabka Muqdihso weerarada ka geysta.

Hadalsame Media