Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho keenay adeeg aad loogu baahnaa + Sawirro

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2018 – Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta xariga ka jaray Sheybaar lagu baarayo tayada qalabka dhismaha Guryaha oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka uu maanta kormeeray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Sheybaarka, isagoo bogaadiyay Injineerada howshaan ka shaqeeyay ee Waqtiga badan geliyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xusay in ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay Sheybaarka uu yahay in la hubiyo qalabka dhismaha iyo agabyada kale ee loo adeegsado dhismaha.

Hadalsame Media