Rag xatooyo la yaab leh gaystay oo lagusoo bandhigay Garasbaalleey + Sawirro

0

(Muqdisho) 23 Luulyo 2018. Rag lagu eedeeyay in ay xadeen xoolo nool ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Garasbaalleey Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha oo gaaraya illaa iyo saddex rag  ayaa  lagu soo qabtay laba dameer iyo 19 ari ah, sida ay  inoo xaqiijiyeen illo lagu kal soon yahay  oo ku sugan xarunta Deegaanka Garasbaaley.

Dadkii lahaa xoolahaan ayaa loo sheegay in ay ka soo doontaan xarunta Garasbaalleey, iyadoo dhanka kale eedeysanayaasha loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee CID-da.

Hadalsame Media