WikiLeaks oo uu WAR XUMI usoo yeerey! (Waa maxay?)

0

(London) 21 Luulyo 2018 – Ecuador ayaa u diyaar ah inay aasaasaha WikiLeaks ku wareejiso dowladda UK “todobaadyada ama xitaa maalmaha soo aaddan,” sida ay sheegtay tifafritaha RT ee Margarita Simonyan oo soo xiganaysa ilo hoose, iyadoo lagasoo saarayo safaaradda dalkaasi ku leeyahay London oo uu magan galay.

“Waxay ilahaygu ii sheegayaan in [Julian] Assange loo gacan gelin doono Britain todobaadyada ama maalmaha soo socda,” ayay Simonyan soo tweet garaysay, taasoo ay sii faafisay ama share garaysay isla WikiLeaks. “Si aan abid dhicin, waxaan rajaynayaa inuu warkani beenoobo,” ayay raacisay.

Farriinta Simonyan ayaa imanaysa jeer ay warbaahinta Britain hadal hayso war ku saabsan in dowladda London ay wada xaajood heer diblomaasi ah kula jirto Ecuador kaasoo ku aaddan sidii Assange, oo laf dhuun gashay ku ah istaraatijiyadaha Galbeedka ay uga saari lahaayeen safaaraddooda London.


Hadalsame Media