Somalia oo ku biiray kooxda Al Shabaab

0

(Riyaad) 21 Luulyo 2018Laacibka sita magaca Somalia ee Horyaalka Faransiiska ayaa ku biiray kooxda Al Shabaab ee dalkaasi Sucuudiiga.

Laacibkan 29-jirka ah oo kooxda Toulouse u safanayay tan iyo 2015, magaciisa oo buuxana la yiraahddo Wergiton do Rosario Calmon kuna magac dheer Somalia ayaa lagu sooo dhoweeyay kooxdiisa cusub.

Laacibka oo kooxdiisa durba ku biiray ayaa tijaabada caafimaadka ku maraya dalka Slovenia halkaas oo haatan kooxdu ay joogto, halkaas ayuuna ku saxiixayaa heshiiska uu ugu biirayo kooxdiisa cusub ee AlShabab.

Hadalsame Media