Dad loo soo qabqabtay ganacsade lagu dilay magaalada B/weyne

0

(Muqdisho) 21 Luulyo 2018 – Howlgal ballaaran oo ay Ciidamada xasilinta magaalada Baladweyne ka sameeyeen magaaladaasi, waxaa lagu soo qabqabtay dad badan kuwaas oo laga baarayo dadkii ka dambeeyey dil xalay magaaladaas loogu geystay ganacsade can ahaa.

Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xasilinta B/weyne ayaa sheegay in ay soo qabteen in ka badan 5-dhallinyaro ah kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay dil B/weyne loogu geystay Cabdi Cali Gareen oo ka mid ahaa ergadii wax kasoo doortay xildhibaannada golaha shacabka.

Waxa uu tilmaamay Carab in dadka ay qabteen ay ku socoto baaritaan, islamarkaana baaritaan kadib la kala ogaan doono dambiilaha dhabta ah.

“Dilka markii uu dhacay durba waxaan sameennay howlgallo oo illaa iyo saakayba aan wadno, waxaan soo qabannay 7 qof oo aan falkaan uga shakinnay, baaritaan ayaana ku socda” ayuu yiri Carab Yuusuf.

Cabdi Gareen ayaa ka sokow inuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada golaha shacabka ayaa dhanka kale wuxuu ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano magaalada B/weyne.

Magaalooyin badan oo dalka ah, waxaa sidan oo kale loogu diley xubno ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Hadalsame Media