Iiraan oo lagu eedeeyay inay maleegtey qarax laga rido Yurub!

0

(Paris) 19 Luulyo 2018 – Diblomaasi Iiraani ah ayaa la sheegay inuu hindisey qorshe lagu qarxin lahaa dibad bax dhacay 30-kii Juun, kaasoo ay Paris ka dhigeen mucaaradka ku kacsan dowladda Iiraan, sida uu werinayo Politico.

Booliiska Belgian ayaa xabsiga dhigay laba qofood oo gaari ku walwaalayay walxaha qarxa iyo gacanka laga maamulo, kaasoo la sheegay in loola dan lahaa dibad bax ay dhigayeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Mujahedin-e-Khalq, dibad baxan ayaa aalaaba soo jiita ilaa 25,000 qof.

Booliiska ayaa rumaysan in ninka dhagartan ka dambeeya uu yahay Assadollah Assadi, oo ah diblomaasi Iiraani ah oo saldhigta Vienna, isla markaana ah madaxa shabakadda sirdoonka Iiraan ee Yurub.

Assadi sidoo kale waa sarkaal sare oo ka mid ah guutada aadka u darban ee Al-Quds Brigade, kuwaasoo qayb ka ah Ciidamada Ilaaliya Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, waxaana la sheegayaa in Assadi uu yahay ninka bambooyinka usoo dhiibey labada qof ee la qabtay.

Yeelkeede, Iiraan ayaa warkan ku tilmaantay eedayn aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo sheegtay in ujeedka arrintan laga lahaa ay ahayd in lagu magac dilo Iiraan oo wada hadal dhanka Nukliyeerka ah kula jirta Midowga Yurub, kaddib diidmadii Maraykanka.

Hadalsame Media