Zinedine Zidane oo Ronaldo kula soo biiraya Juventus (Goorma ayuu iman karaa?)

0

(Madrid) 17 Luulyo 2018 – War kale ayaa kasoo kordhaya dhanka sheekada Real-Juve, markan se ma aha Cristiano Ronaldo.

Sida ku qoran warsidaha Spanish-ka ah ee ‘Libertad Digital’, Zinedine Zidane ayaa kusoo biiraya maamulka kooxda Juventus, balse wuxuu isku soo beegayaa bisha Oktoobar, si uusan cusbo usii taabsiinin dhaawaca balbalaya ee kooxda Blancos oo uu haatan uun kasoo tegey CR7, sida uu sheegay qof ku dhow qoyska reer Agnelli.

Zizou ayaa la shaqayn doona agaasimaha isboortiga ee Fabio Paratici, isagoo haddii uu soo laabto soo afjaraya 17 sano oo uu ka maqnaa Bianconeri, isagoo 200 oo kulan u saftay Old Lady, oo uu la qaaday 2 Scudetti isagoo billada Ballon d’Or ku qaaday 1998.

Hadalsame Media