SAWIRRO: Koobka Adduunka oo boorso gaar ah lagu keenay (Arag sida loo ilaalinayo)

0
(Moscow) 15 Luulyo 2018 – Waxaa goor dhow gegada Lushniki ee magaalada Moscow ka bilaabmaysa ciyaarta dhamaadka Koobka Adduunka.

Waxaana halkaa haatan la keenay koobka dahabiga ah ee loo tartamayo, kaasoo si aad ah loo ilaalinayay, waxaana laga garan karaa sida loo eegayo gabadha soo saaraysa oo iyada lafteedu gacmo gashi xiratey.

Koobka oo ku dhex jiray boorso gaar ah oo loogu tala galay ayaa si taxaddar leh looga saaray halkii uu ku jirey si loogu soo bandhigo garoonka.

Hadalsame Media