Yuusan ku dan seejin nin durriyaddiisii dal fog gaystay!

0

(Minesotta) 13 Luulyo 2018 – War Soomaaliyey Dawladnimadu waa sharaf, oo waa magac, oo waa, geed haraca oo la harsado, waa maamuuska muwaadin kasta adduunka meeshuu marayo!

Dawladnimo & gobanimo ayaa halgan dheer loo soo galay, dhiig badan u daatay, ka dibna wey dhalatay, xoogaa markey jirteyna waa la dhaliilay, dhaliilna lama waayo, hayeeshee, lama sixin oo lama toosine waa la dumiyey oo dhulkaa lala simay!

Ka dibna waa la burburay, oo la baa ba’ay, oo la balan balay, sharaftii iyo magicii iyo maqaamkii soomaali oo dhan ayaa dhulka lagu masaxay! Adduunka meel aan ka fariisanno oo nala ku xushmeeyo ayaan wayney!

Hadda xoogaa yar baa noo yagleelan, ma dhamaystirna, nabaradii gaarey 30 sano ka badan kama bogsan, waa curdin, dhaliiluu leeyahay, laakiin xalku ma intaa yarna in la dumiyaa? Maya!

Tii hore ayaa dan gaar ah, dan qabiil, damac rag u dhimatay, loo burburiyey.
Rubuc qarni ayaa intan yar la raadineyney, hadii la burburiyana 50 sano ayaa la raadin doonaa!

War soomaaliyey hallaga digtoonaado dadka aan damacooda maahine dan kale arkin, dan ummadeedna aan u jeedin, diirkana idiin ka nixin, hadaad duntaanna diyaaraddu u taagantahay, durriyaddiina dal fog geystey!

Qore: Shiikh Maxamed Idiris

Hadalsame Media