SAWIRRO: Qadar oo qiimayn ku samaynaysa dekedaha Somalia (Ma howl sax ah mise humbaallayn?)

0

(Muqdisho) 03 Luulyo 2018 – Mas’uuliyiintaan oo ka socotay Wasaaradda Dekadaha dowladda Qadar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socota Madaxtooyada.

Ujeedada wafdigaan ayaa lagu sheegay sahmin iyo qiimayn ay ku sameeynayaan qaar ka mid ah Dekedaha dalka, qorshe oo qayb ka ah heshiisyo dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Qadar kadib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku tagay maagaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahaan ku qaabilay xafiiskiisa waxuuna uga mahadceliyey booqashada ay Muqdisho ku yimaadeen, isagoo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawaynayso cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa dalka, iyadoo loo marayo habraac waafaqsan sharciga u yaalla Soomaaliya.

Wasiirka dekadaha iyo gadiidka Badda ee xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta kula hadashay xafiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadcelisay wafdiga ka socda Qadar, waxaana ay sheegtay in labada waddan uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan.

Lama oga lamana sheegin in Qadar ay dekedaha si buuxda u dhiseeyso, kuwo cusub hirgelinayso iyo in ay dayactir uun ku sameeynayso kuwii jirey, waxaan kaloo la caddeeynin in dekedaha ay maalgashanayso iyo in ay u dhiseeyso dalka Somalia, maaddaama ay dekeduhu yihiin kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo ay had iyo goor wanaagsan tahay ama caadi tahay inay Somalia lahaato oo gacanta ku hayso.

Waxaan kaloo la hubin waqtiga ay bilaabanayso howsha rasmiga ah ee dhismaha marka sahankani dhamaado kaddib, iyo in Qadar ay waddo oo qura humbaallayn ay kaliya ku indha walleeynayso Imaaraatka oo ay is hayaan.

Hadalsame Media