Muxuu ku dhamaaday kullankii u dhaxeeyay kooxaha Dekedda iyo Simba S.C

0

(Dar Es Salaam) 30 Juunyo 2018.Kooxda Dekedda ayaa guuldarro ku furatay tartanka Cecafa Kagame Club Cup kaa soo ka soconaya dalka Tanzania.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay ku hoggaaminayso kooxda ka dhisan Tanzania ee Simba.

Markii dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad naadiga Siimba ayaa iska lumisay fursado muhiim ah iyadoo ugu dambayn heshay goolkii afaraad ee ciyaarta.

Kullanka ayaa ku soo dhamaaday 4-0 oo loogu badiyay kooxda wadankeena ka socotay ee Dekedda.

Sikastaab guruubka C, waxaa min saddex dhibcood leh kooxaha reer Tanzania ee Simba iyo Singida United, iyadoo Dekedda iyo APR ay ugu hooseeyaan.

Hadalsame Media