DHEGEYSO: ”Itoobiya uma ogolin inay shidaalkeenna dadyow kale ku quudiso” – ONLF oo sheegtay inay diiddan yihiin shidaalka laso saaray

0

(Asmara) 29 Juun 2018 – Afhayeenka Jabhadda ONLF Hirmooge Caddaani ayaa gaashaanka u daruuray qorshaha shidaalka lagaga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya maamusho, halkaasoo shalay foostooyinkii ugu horreeyay laga dhaamiyay.

”In iyadoo aan la xallinin is afgaran waaga nagala dhexeeya Itoobiya in umadda hantideeda loo gacan dhaafo oo dadyoow kale lagu quudiyo waa diiddanahay, si cad baannu uga hor imanaynaa” ayuu yiri Caddaani oo u warramayay idaacadda BBC.

Mar la waydiiyay inay ogolaadaan in shidaalka lasoo saaro si deeto loogu hormariyo gobolka ee halkii ay diidi lahaayeen soo saaristiisa ay qayb ku doodaan wuxuu ku jawaabay in aanay jirin hanti iskugu darsan iyaga iyo Itoobiya oo uu sheegay in ay dhulkooda xoog ku haysato iyadoo kaashanaysa gumaysigii Yurub.

“Dadaal nabadeed mab’da ayuu naga yahay waana soo dhawaynaynaa, arrinta gobolka in si nabad ah lagu xalliyo barnaamij siyaasi ah bay naga tahay” ayuu yiri caddaani.

ONLF ayaa haatan ku shireeysa magaalada Asmara ee dalkaasi Eritrea.

Waraysiga Caddaani hoos ka dhegayso….

Hadalsame Media