Xulalka Afrika oo KA ka sameeyay arrin aan dhicin muddo dheer!

0

(Moscow) 28 Juun 2018 – Koobka Adduunka dufcaddiisa 2018 ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo mar dhow uu bilaabmayo wareegga labaad ee 16-ka oo ay wax yari ka harsan yihiin inay kooxuhu soo dhamaystirmaan.


Yeelkeede, waxaan sanadkan kooxina kasoo bixin xulalka Afrika oo guruubka ku wada haray, waana rikoodh cusub, waayo waa markii ugu horreeysey ee ay taariikhda sidaasi dhacdo tan iyo sanaddii 1982-kii.

Xulalka Afrika, ayaase waloow ay guruubyada ku wada hareen misna ciyaar wanaag muujiyay, iyadoo ay si wanaagsan u dheeleen xulalka Nigeria, Marocco iyo Senegal oo iyadu aanba dhibco ku harine ciyaar wanaag loogasoo baxay kaddib markii ay Japan isku dhibco noqdeen, isku goolalna noqdeen, balse ay ka jaallayaal badatay.

Hadalsame Media