DAAWO: Radja Niangolan & Javier Pastore oo ku kala biiray kooxaha Inter Milan & AS Roma + Sawirradii ugu dambeeyay

0

(Roma) 26 Juun 2018 – Kooxda AS Roma ayaa si rasmi ah ula wareegtey laacibka khad dhexe weerarka ah ee Javier Pastore ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AS Roma isagoo sheegay inuu dhararayo inuu kooxdaa u dheelo isla markaana ka ”caraysiiyo” kooxda Juve.

Dhanka kale waxaa isna Roma ka dhaqaajiyay mashiinkii khadka dhexe ee Radja Niangolan oo isna noqday laacib ka tirsan kooxda Inter Milan oo sanadka soo aaddan ka qayb qaadanaysa CL. ”Waan aaminsan ahay mashruuca Inter oo si dhab ah ii doonaysay” ayuu yiri Mr Ninja.

Haddaba, hoos ka dheeho sawirradii ugu dambayeeyay ee labadan laacib ee uu midna Roma yimid midna uu ka ruqaansaday.

Hadalsame Media