Soomaaliya: Turkigu waa saaxiib dhab ah

0

(Muqdisho(  25 Juun 2018 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray dhigiisa dalka Turkiga Rajab Tayyib Erdogan oo muddo shan sanno ah dib loogu doortay inuu hoggaamiyo Turkiga.

Guusha Erdogan waxaa laga soo dhaweeyey guud ahaan Somaaliya.

Soomaaliya ayaa noqotey dalkii ugu horeyey ee u hambalyeeya hoggaamiye Erdogan waxana Madaxwayneha Soomaaliya Mr. Farmaajo sheegay in Turkiga yahay walaal iyo saaxiib Soomaaliyeed oo dhab ah isagoona si gaar ah tahniyad ugu diray Madaxwayneha la doortay Rajab Tayyib Erdogan.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xariir wanaagsan oo dhinac walba ah waxana dowladda Turkiga ay noqotey dalkii ugu horeeyey ee u soo gurmaday Soomaaliya sanadkii 2011 waqti Soomaali ay ka jirtay Macluul darran.

Madaxwayne Erdogan ayaa la sheegay inuu ku guulestay codad ka badan 95% oo haddii si kale loo dhigo ka dhigan 53% waana natiijo hordhac ah sida la baahiyey goor sii horeysay oo xalay ah.

Hadalsame Media