RASMI: Maraykanka oo Turkiga uga dhaartay dayuuradaha F-35 oo u dalbanaa!

0

(Washington DC) 19 Juun 2018 – Aqalka Odayada Maraykanka ee Senetka ayaa laalay gebi ahaanba heshiis Turki loogu daabuli lahaa dayuuradaha dagaalka casriga ah F-35 oo dalkaa u dalbanaa.

Aqalka Senet-ka ayaa inuu heshiiskan ka codeeyo u cuskaday laba sababood, midda koowaad waa dalabka Turki ee gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400, taasoo ay sheegeen inay u cuntamin Maraykanka oo ah kaabbaha NATO.

Tillaabada labaad waa xirnaanshaha wadaadka Maraykanka ah ee Andrew Brunson, oo u dhashay dalka Maraykanka, isla markaana Ankara ugu eedaysan inuu gacan ku lahaa isku dayga afgembigii guulaysan waayay 2016-kii.

Ankara oo 21-ka bishan oo Khamiista ah sugaysay in loosoo daabulo qaybta ugu horreeysa 100 dayuuradood oo f-35 ah oo ay ka dalbatay Lockhead Martin ayaa haatan looga dhaartay, waxayna sheegtay inay haysato ”ikhtiyaaraad kale”, iyadoo ay muuqato inuu dil-dillaac sii kordhayaa ku jiro xiriirka labada dhinac ee Ankara & Washington DC.

Hadalsame Media