”Balotelli xitaa madoowga kale waa ka doqonsan yahay” – Xisbi cunsuri ah oo weerar yaab leh ku qaaday Balotelli

0

(Brescia) 18 Juun 2018 – Xisbi midigta fog u janjeera oo Talyaani ah lana yiraahdo Forza Nuova ayaa boor wayn duray bartamaha magaalada Brescia iyagoo Mario Balotelli ku tilmaamay “mid ka doqonsan madowga kale”.


Balo ayaa laftiisu kusoo barbaaray magaalada Brescia ee ku taalla woqooyiga Talyaaniga, kaddib markii ay korriimadiisa la wareegeen qoys Talyaani ah, isagoo caadiyan ay qoys  Ghanaian ihi ku dhaleen Palermo.

Tiiyoo uu ninkani ku dhashay Sicilia misna Super Mario waxay ku qaadatay 18 sano inuu qaato dhalashada Talyaaniga, wuxuuna dhowaan soo jeediyay in sharcigaasi la bedelo.

Yeelkeede, taasi kama daadegin xisbigan cunsuriga ah oo baannar kasoo lulay bartamaha magaalada kaasoo ay ku qoreen: “Balotelli, waad ka doqonsan tahay (xitaa) madowga kale” iyagoo adeegsanaya lahjadda maxalliga ah ee Brescian-ka.

Way sii hadleenoo wuxuu bayaankoodu Balotelli ku eedeeyay in uu “sanado badan ku fataalayay kuna faanayay hanti iyo lacag”, iyagoo usoo jeediyay inuu da’yarta Afrikaanka ah u sheego “inay dalalkooda joogaan oo mustaqbalkooda dhistaan” halkii ay Yurub usoo tacaburi lahaayeen “iyagoo dabcan kaalmo ka helaya qaraabadooda halkan joogta oo ferrari-yaal badan siin kara si ay walaalihii u farxaan”.

Xisbigan Forza Nuova oo ku shaqeeya aragti ah ”Talyaaniga waxaa leh Talyaani” oo warkaa dambe ku duraya isla Balotelli ayaa ah xisbi midig ah oo fongoran, kaasoo doorashadii dhacday sanadkan 2018 ku fashilmay inuu xitaa hal kursi ka helo baarlamanka dalkaasi.

Hadalsame Media