KULAN TAARIIKHI AH: Waa markii ugu horreeysey taariikhda ee ay abid isa salaamaan + Sawirro (Ka bogo wax kasta oo ilaa iminka dhacay)

0

(Singapore) 12 Juun 2018 – Hoggaamiyaha North Korea Kim Jong-un iyo Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa ku wada sugan shir-madaxeedka Singapore oo ay ku leeyihiin kulan taariikhi ah, iyagoo ka wada hadlaya heshiis nabadeed iyo sidii jasiirad u ekaha Kuuriya looga dhigi lahaa meel nukliyeerka ka caaggan.

Kim ayaa bilowgii soo gaarey goobta shirka oo ah Capella Resort, taasoo ku taalla Sentosa Island, Singapore, in yar uun kahor 9:00 subaxnimo xilliga maxalliga ah, wuxuuna isagoo kaamarooyinka iska indha tiraya oo ookiyaalihiisa gacanta ku haysta u gudbey gudaha hoteelka.

Daqiiqado yar kaddib waxaa soo raacay Trump, wuxuuna isu dhigay bikaacyada hillaacaya ee kaamirooyinka, isagoo muujinaya tacbiir uu si taxaddar leh u diyaarsaday oo dabiici ah ka hor inta uusan u gudbin madasha shirka.

Wax lagu sheegay is gacan qaad taariikhi ah ayaa labada hoggaamiye dhexmaray abaarihii 9:04. Trump ayaa isagoo u dhoolla caddaynaya Mr Kim dhabarka ka taabtay isagoo u tilmaamaya qolka shirka. Halkan ka DAAWO….

DIBLOMAASIYADDII QIYAASTA & DAREENKA…

Trump ayaa mar inyar goortaa kasii horreeysay warfbaahinta uga yaabsaday inuu sii odorosi karo waxa uu shirku ku dhamaan karo guul iyo guuldarro, dhowrka daqiiqadood ee ugu horreeya kulanka Mr Kim.

“Xiriir wanaagsan baannu yeelanaynaa, shaki iigama jiro,” ayuu Trump ka yiri intii ay sawirka u taagnaayeen.

“Cuqdadihii iyo dhaqamadii hore ayaa caqabad ku ahaa in horay loo socdo, balse waannu ka gudubney oo waannaga halkan joogna maanta,” ayuu yiri Kim. “Taasi waa dhab.” ayuu kaga koobiyay Trump.

Labada nin ayaa deeto galay kulan qaatay 38 daqiiqadood oo kaliya joogeen labada af-naqe oo u kala tarjumaya labadooda iyo wufuudda ay kala hoggaaminayaan.

Labada madaxwayne ayaa muujinayay is faham iyadoo la arkayay xitaa Trump oo mar Kim ku casuumaya inuu bal eego gudaha gaarigiisa Limousine-ka ah ee gaashaaman ee u raaca meel kasta oo uu aadayo, iyagoo kaddibna wada qadeeyay.

“Dhibaato wayn baannu xalinaynaa, jahawareer wayn,” ayaa laga maqlayay Trump xilligii qadada, isagoo raaciyay in Kim “uu aad iyo aad u wanagsan yahay.” Trump ayaanan sidoo kale ka gaabsanin inuu faduuliyo dadka ay siyaasadda isku hayaan ee uu Twitter-ka kula coltamo goor iyo goob kasta.

Waloow ay weli madlan yihiin wada hadallada qaybaha ugu xasaasisan oo ay labadan hoggaamiye ku bixiyeen raasumaal siyaasadeed oo aad u fara badan, waan se idinla socodsiin doonnaa Hadalsame ahaan haddii ALLE idmo.

U.S. President Donald Trump shakes hands with North Korea’s leader Kim Jong Un before their bilateral meeting at the Capella Hotel on Sentosa island in Singapore June 12, 2018. REUTERS/Jonathan Ernst

The motorcade of North Korean leader Kim Jong Un travels towards Sentosa for his meeting with U.S. President Donald Trump, in Singapore June 12, 2018. REUTERS/Tyrone Siu

Hadalsame Media

.