IIB LA YAAB LEH: AC Milan oo iibsatey gabdhaha Brescia!!

0

(Milano) 11 Juun 2018 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqaday inay yeelatay qaybta haweenka, iyadoo durba ka qayb geleeysa horyaalka 2018-19 Serie A Femminile.

Kooxda Rossoneri ayaa noqonaysa kooxdii ugu dambaysay ee yeelata qayb gabdhaha ah kaddib Juventus, Sassuolo, Fiorentina, Empoli, Atalanta iyo Res Roma.

War kasoo baxay Milan ayaa lagu xaqiijiyay in ay iibsadeen ACF Brescia isla markaana ay fasalka soo aaddan horyaalka gabdhaha uga qaybgeli doonaan AC Milan ahaan.


Juventus ayaa sanadkii tegey koobka Scudetto qaadatay kaddib markii ay min 60 dhibcood keensadeen iyaga iyo isla Brescia, balse waxay ku badiyeen kulan kala bax ah.

 

Hadalsame Media