”Waxa kaliya ee harsani waa Firmino oo qufac ka qaada dhibicda dhididkayga” – Sergio Ramos oo ku jeesjeesay dhaawaca Karius!

0

(Madrid) 05 Juun 2018 – “Koowdii waxay ahayd dhaawaca garabka Saalax, haddana waa Karius, waxa kaliya ee maqani waa Firmino oo yiraahda waxaan qaboow (koolbo-aariyo) ka qaaday dhibicda dhididka Ramos”. ayuu Sergio Ramos si jees jees ah ugu jawaabey.

Kabtanka Real Madrid oo haatan la xareeysan xulka Spain, ayuu warkiisu imanayaa kagadaal markii ay xalay soo bexeen warar sheegaya in goolwale Karius uu madaxa ka qabo dhaawac uu isagu gaarsiiyay kaddib markii uu xusub u qariyay, iyadoo lagu baarayo isbitaal ku yaalla magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Ramos ayaa falanqeeyay sida uu u dhacay dhaawacii Salah: “Ma rabin inaan ka hadlo….Balse haddii aad si dhow u eegto waxaad arkaysaa inuu isagu ahaa ninka markii hore gacantayda ku dhegey, kaddibna waa isla dhacnay oo wuxuu ka dhaawacmay garabka, waana ka heshiinney ciyaarta kaddib“.

“Hadda waa Karius oo sheegaya inuu niyad jabsan yahay aniga darteey…Kaliya waxaa harsan Firmino oo uu qaboow ugu dhoco dhibicda dhididkeeyga dartii“. ayuu raaciyay.

Ramos ayaa kusii daray: “Mid ma ogtihiin? Markii ay sheekada ku jiraan aniga iyo Real Madrid, had iyo goor waa laga badbadiyaa xaaladda”.

Hadalsame Media