Itoobiya iyo gacmeheeda qarsoon ee ku jira Soomaaliya

0

(Muqdisho) 27 Maajo 2018 – Dowladda Itoobiya ayaa ku milmaysa maamullada gobollada Soomaaliya iyadoo la sheegayo inay ka dhex samaysatay unugyo sirdoon ah oo daneheeda u fuliya.

Dowladda Itoobiya oo ka faa’iidaysanaysa dalka oo aan weli lahayn nidaam isku xiran oo si wax ku ool ah ula socon kara amaanka dalka ayaa qorata dadka maxalliga ah ee gobollada ay joogto si ay ugu adeegaan ajendeheeda.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in magaalooyin baday ay tusaale ahaan ku leeyihiin ashkhaas ku dhex jira maamullada maxalliga ah ee halkaa ka jira iyo xitaa kuwo u shaqeeya dowladda dhexe oo danahooda u fuliya.

Dadka sirdoonka ah ee Itoobiya u shaqeeya ayaa siyaabo kala geddisan u dhex gala bulshada, sida iyagoo alaabooyin iibiya, tabliiq iska dhiga, macallimiin sheegta iwm, waxaana dadkaa ka mid ah kuwo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya balse aad ugu milmay mujtamaca Soomaaliyeed oo ay muddo dheer ka noolaayeen.

Soomaaliya ayaa la legdamaysa kasoo kabashada sanado badan oo nidaam la’aan ah, iyadoo weli u nugul faragelinta shisheeye nooc kasta oo ay tahay.

Hadalsame