Xaqiiqooyin aad doonayso inaad sii ogaato ka hor kulanka Final-ka Champions League ee caawa Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool

0

Caawa waxaa Magaalada Kiev ee Waddanka Ukraine lagu soo gabagabayn doonaa koobka Champions League, waxaana Final-kiisa wada ciyaari doona kooxda Real Madrid iyo Liverpool.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kula wadaagi doonaa rikoorka ciyaartan weyn ee caawa dharmari doonta Real iyo Reds:-

>- Kulankani waa kii 16-aad oo ay kooxda Real Madrid ka soo muuqato Final-ka European Cup/Champions League, waana kooxda ugu badan ee sidaas sameysa taariikhda tartankan.

>- Xaqiiqdii Real Madrid waxa ay koobkan ku guuleysatay 12 goor, waana rikoor maxaa yeelay waa kooxda tirada ugu badan koobkan hanatay, waxa ay kaliya koobkan inta final yimaadeen laga qaaday sanadkii 1962-kii (vs Benfica), 1964-kii (vs Inter) iyo 1981-kii (vs Liverpool).

>- Kulankani waa kii siddeedaad oo ay Kooxda Liverpool ka soo muuqato Final-ka European Cup/Champions League, waana in saddex goor ka badan kooxda kasta oo kale kooxaha Ingiriiska.

>- Liverpool ayaa kaliya guuldarreysatay labo ka mid ah todobadii Final oo ay tartankan ciyaartay waxaana labadaasi mar ay guuldarro kala kulantay vs Juventus sanadkii 1985-kii iyo midkoodii ugu dambeeyey oo kooxda Milan ka qaaday sanadkii 2007.

>- Real Madrid waa kooxdii ugu horreysay tan iyo Juventus (1996-1998) ee gaarta saddex jeer oo xiriir ah Final-ka tartanka European Cup/Champions League, waxaana ay noqon kartaa kooxdii ugu horreysay eek u guuleysata saddexnado oo xiriir ah tartankan tan iyo Bayern Munich oo qaaday Koobkan oo horay loo oron jiray European Cup saddex sano oo xiriir ah intii dhaxaysay 1974-1976.

>- Kulankani waxa uu noqonayaa kulankii Final-ka European Cup ee 1981-kii oo dib loo ciyaarayo, markaasoo ay Liverpool kooxda Real Madrid kaga adkaaday 1-0 iyadoo Reds goolkaas uga mahadcelinaysa Alan Kennedy.

>- Sidoo kale kulanki waxa uu noqonayaa kulankii saddexaad oo dib loo ciyaaro tartanka European Cup iyo Champions League labadaba, kaddib Ajax vs Juventus oo lagu jeer isku arkay Finalka iyo Ajax vs Milan oo sidoo kale final-ka labo jeer isku arkay.

>- Final-kii 1981-kii waa markii ugu dambeysay oo kooxda Real Madrid ay guuldarro la kulanto tartankan, waxaana ay guul gaareen mid kasta oo ka mid ah lix Final oo ay gaareen tan iyo markaas, dhammaantoodna waa Champions League waana sanadihii  (1998, 2000, 2002, 2014, 2016 iyo 2017).

>- Kooxda Liverpool macallinkeeda Jürgen Klopp ayaa guuldarro la kulmay shantii Final ee ugu dambeeyey ee tartammada waa weyn isagoo tababare ah, si kale haddii aan u dhigno Klopp waa laga qaaday shantii Final-ka ee ugu dambeeyey.

>- Kooxda Real Madrid macalinkeeda Zinédine Zidane wuxuu noqon doonaa tababarihii ugu horeeyay ee saddex sano oo isku xigta qaada ama ku guuleysta koobka horyaalada Yurub.

>- Weeraryahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa noqon doona ciyaaryahankii ugu horreeyey ee shan jeer ku guuleysta tartankan tan iyo markii loo bixiyey Magaca UEFA Champions League waa haddii uu koobka ka qaado caawa Liverpool.

>- Ma jiro cayaaryahan Liverpool ka tirsan kaasi oo Final Champions League waligiis cayaaray waa dhammaan cayaartooyda haatan Reds ku sugan ee kulanka Finalka caawa ka qayb qaadan kara.

>- Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos iska garoonka caawa lagu ciyaarayo Final-ka Champions League ee Olympic National Sports Complex (NSC Olimpiyskiy Stadium) ayuu kaga caawiyey xulkiisa qaranka Spain inay ku qaadaan Koobka qarammada Yurub ee EURO 2012. 4-0 vs Italy.

>- 18-ka mid ah 24-ka naadi ee UEFA Champions League ku guuleystay waxay dhalinayeen goolka ugu horreeya cayaarta Final-ka ah, sidaa darteed kooxdii gool hor bilaawda ama la hormarta ayey u badan tahay inay koobka ku guuleysan doonto.