(Dooxa) 16 Dis 2018 – Diyaaraha Qatar Airways ayaa si iminka si rasmi ah u caddaysay inay bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay ku imaanayso magaalada Muqdisho.
Maalinta uu duullimaadkani bilaabmayo ayaa lagu beegay maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Somalia ee 1-da Luulyo, taasoo ah 1-da Luulyo 2019.
Tillaabadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib kulan magaalada Dooxa ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxa Shirkada Qatar Akbar Al Baker.
Hadalsame Media