DEG DEG: Is afgarad laga gaarey khilaafkii madaxda Baarlamanka + Sawirro

0

(Muqdisho) 16 Dis 2018 – Guddoonka sare ee Aqalka Hoose ee Baarlamanka dhexe ee Somalia ayaa la sheegayaa inay is afgarad ka gaareen khilaafkii ka dhexeeyay kaddib kulankii ay ku yeesheen Hotel Paradise.

Xildhibaanka Cabdirashiid Xiddig ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay arrintan isagoo tillaabada xigta ku sheegay sidii uu hoowshiisa caadiga ahaa u gudo geli lahaa Baarlamanku.

Warar aan weli la hubin ayaa sheegaya in mooshinkii muranka dhaliyay uu meesha ka baxayo maadaama lagu dooday sharciyadda iyo kooramkiisa, isla markaana la guda geli doono howlaha caadiga ah sida miisaaniyadda.

Hoos ka akhri qoraalka xildhibaan Xiddig….

Hadalsame Media