Arrin muujinaysa inay dowladdu si ahaan ”daacad” tahay waxba haka khaldanaadeene! (Tusaalooyin)

0

(Muqdisho) 11 Dis 2018 – Dowladdani ma eed la’a, talo xumooyin badanina waa ka muuqdaan, yeelkeede, inay woxoogaa daacad tahay waxaad ku garataa markasta oo wax lagu eedeeyo jawaabtii baa iska soo daahirta.

Halkan ka akhri nuqulka asliga ah…

Tusaale beri dhowayd xildhibaanno ayaa yiri waxaan wadnaa mooshin oo ”waxaa la go’doomiyay Jabuuti” balse waloow aysan diblomaasiyad ahaan xaq u lahayn inay taa kaba hadlaan maadaama ay gaf ku tahay Jabuuti oo leh dowlad la aqoonsan yahay oo u hadasha, misna isla habeenkii waxaa soo baxday Jabuuti oo booqanaysa Itoobiya.

Haatan waxaa taagan muran la leeyahay lacag baa la lunsaday, balse waxaa soo baxday IMF oo amaanaysa daah-furnaanta dhaqaale ee dowladda.

IMF oo ah coomaad raqda ku cayisha aadna u nidaam adag isla markaana aan haba yaraatee wax musuq ah dulqaad u lahayn, ayaa Somalia oo musuq ku kacday cafin lahayd ama khayr ka sheegi lahayd ninkii dadka ugu sheekaynayoow taa waad ku ceeboowday, ee dib isu xisaabi.

Halkan waxa ku cad inay IMF ku qanacday bandhigga maaliyadeed ee isbedel-doonka ah ee ay dhaqan gelisay dowladda Somalia, taasoo aan dhici lahayn haddii ay xisaabaadku khaldan yihiin.

Waxaa dheer boqollaal hantaaturro oo kale oo iskugu jira kuwo maxalli ah qaar iyo caalami ah oo ay kasoo dabaalatay.

Waxaa ila fiican in iyadoo dowladda lagu mucaaradi karo boqollaal khalad oo muuqda oo kale aan la taataabanin waxyaabo kaliya wax u dhimi kara danaha dalka iyo dadka iyadoo la moodayo in qof shakhsi ah lagu xumeeynayo ama dan khaas ah lagu xasilinayo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media