FAALLO: 3 dowladda oo dhan baa ku KHALDAN, 3 kalena Mursal baa kaligii ku khaldan!

0

(Hadalsame) 10 Dis 2018 – Waxaa shalay soo baxay mooshin la leeyahay waxaa laga keenay Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo uu qabtay Guddoonka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mooshinkan ayaa la sheegay in lagu saleeyay waxyaabo ay ka mid yihiin khiyaano qaran, heshiisyo qarsoodi ah iyo musuq, balse waxay dad badani aaminsan yihiin in ay salka ku hayso khilaaf u dhexeeya Madaxwaynaha iyo Guddoonka Baarlamanka oo salka ku haysa 3 qodob.

Dooddan oo ay sidoo kale ku lug darsadeen rag dano is diiddan leh iyo xitaa dalal shisheeye ayaana dib ugu noqonaysa xisaab uu soo bandhigay Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka dalka oo sheegay inay maqan tahay lacag ka badan 40 milyan, kuwaasoo laakiin markii dambe kala jabay, iyadoo uu si doodi ka dhalatay uu u kala diray GX Baarlamanka Md Muudeey.

3 UU MURSAL SHAKHSIYAN KU KHALDAN YAHAY

Mar ay halkaa taagan tahay ayaa waxaa dalka soo gaarey Guddoonka Baarlamanka oo bilaabay dood cusub isagoo sida la sheegay soo jeediyay inuusan 3 qodob gorgortan ka geleeynin kuwaasoo kala ah:

1 – In lasoo celiyo guddigii lakala diray.

2 – In lasoo celiyo ciidamo la geeyay Baydhaba oo ka tirsan Booliiska Federaalka.

3 – In aan la hor istaagi karin tartamidda Mukhtaar Rooboow.

Markii 3-dooda mid mid loo kala qaado, waloow ay khalad u muuqato in uu guddoomiye xigeenku kala diri karo Guddi Hoosaadka Maaliyadda, misna waxaa si la mid ah khalad u ah inuu Guddoonku kaligii iska soo celin karo ama iska magacaabi karo, sidoo kale waxaa adkaanaysa in guddi kala qaybsani wada shaqeeyaan.

Qodobka 2-aad, waxyaabaha gorgortanka geli kara ka mid maaha inay dowladdu kala bedesho halkii ay u baahatana ay u dirto ciidamada dhexe ee Federaalka oo u kala qaybsan millateri iyo booliisba, iyadoo ay Xamarba joogaa ciidamo ka kala yimi gobollada dalka, sidaa darteed waa qayrul mas’uulnimo wayn iyo talo xumo in qof xil sare dalka ka hayaa uu qabyaaladeeyo ciidamo qaran oo gobol la geeyay.

Qodobka 3-aad, Rooboow wuxuu dembi ka galay shacbiga Soomaaliyeed, weli waxaa taagan dhibkii ay horseedka ka ahaayeen raggii uu isagu u xalaaleeyay dhiiga shacabka, welibana si cad uma sheegin inuu ka tanaasuley afkaarahaan oo markii uu Xamar tegey wuxuu sheegay inuu dowladda ”wada hadal kula jiro” lamana sheegin halka ay taasi caga dhigatay, marka wixii laga yeelayo waa in ugu yaraan la hor dhigaa Baarlamanka dalka oo ka kooban laba aqal ee ma aha inuu hal siyaasi iskaga gorgortamo ama iska go’aamiyo.

3 AY DOWLADDU KU KHALDAN TAHAY

1 – Khaladka ugu wayn ee ay dowladdu ku jirto waa inaysan weli diyaarin hay’adihii dastuuriga ahaa sida Maxkamadda Dastuuriga ah oo sharciyan dhinacyada haya u kala tarjumi lahayd kalana saari lahayd, si looga fursado in uu dalku xasarad siyaasadeed galo markasta.

2 – Dowladdu waa inay shuruuc cad cad oo weliba qaybo iyo heerar u kala saaran ka diyaarisaa waxa laga yeelayo dadka kasoo noqonaya Al Shabaab oo ay dembiyadoodu kala waawayn yihiin, taasina ilaa maanta ma jirto waana habacsanaan ka muuqata dowladda.

3 – Dowladdu waa inay gar baxdaa qof ahaan iyo hay’ad ahaanba, markii wax lagu qabsado oo ay dadka tustaa in waxa lagu haystaa sax yihiin, iyadoo aan wax kale isku wareerin ama aan waqti iyo tamar iska lumin.

Min 3-daa marka laga yimaado waxay dhinacyada is hayaa ku wada khaldan yihiin inay dalka oo meel xasaasi ah maraya muran iyo xasarad u horseedaan iyagoo is fiirsanaya balse aan fiirinayn danta umadda dhibaataysan ee Soomaaliyeed iyo weliba dadaallada dowlad dhisidda ah ee awalba gaabiska ahaa ee uu doollarka badani ku baxay iyo dunidii oo mar kale qarka u saaran inay markale naga sii jeesato haddii aan sidan kusii wadno.

FG: 3-da ay dowladdu ku khaldan tahay Baarlamanku waa ku jiraa

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

U gaar ah…

Hadalsame Media