DAAWO: ”Waxaan Milan kusoo celinaynaa meesha ay mudan tahay!” – Gazidis oo markii ugu horreeysey hadlay!

0

(Milano) 05 Dis 2018 – Guddoonka cusub ee AC Milan ee Ivan Gazidis ayaa sheegay in ay “sharaf u tahay” isla markaana uu kalsooni ku qabo inuu “kooxda gaarsiiyo booska ay mudan tahay”.

Xoghayihii fulinta ee Arsenal ayaa saaka si rasmi ah u noqday guddoonka Rossoneri, waloow magacabaabistiisa horay loo sii ogaa.

“Sharaf wayn bay ii tahay in la ii doortay hoggaaminta AC Milan oo geleeysa waayo cusub. Waxaan u xaqiijinayaa malaayiinta taageere ee caalamka in aan si kal iyo laab ah ugu dadaali doono shaqada ugu wanaagsan ee aan qaban karo,” ayuu yiri Gazidis, oo warkiisa lasoo dhigay bogga Twitter ee kooxda.

“Si aannu uga jiba keenno waxa aannu u wada doonayno naadigan wayn, shaqada adagi iminka ayay bilaabmaysaa, wada shaqayn baase loo baahan yahay, waloow aan aad u xiisaynayo fursadaha naga horreeya si naadiga loogu soo celiyo halka uu mudan tahay.

“Forza Milan.”


Hadalsame Media