DAAWO: ”Intaan dibedda tagno ayaan laaluush soo qaadan jirney, balse hadda waa soo xirxirantey!” – MX Puntland

0

(Garoowe) 05 Dis 2018 – Madaxwayne Xigeenka Puntland Cabdi Xakiim Cameey ayaa beeniyay eed ku saabsan inuu si gaar ah ugu xiran yahay dowladda dhexe ee Federaalka ah, isagoo ka hadlay arrimo la xiriira hab-dhaqanka maamullada.

Cameey ayaa sheegay inuu taageersan yahay oo qura in la helo qaran Soomaaliyeed oo awood leh oo la wareega maamulka waddanka, taasoo ah shaqo ay leedahay dowladda dhexe.

”Waxaannu aadi jirney Addis Abeba, Nairobi iyo Imaaraatka oo aannu qandaraasyo lasoo geli jirney, laaluushna ka qaadan jirney si dalka loo kala furfuro.” ayuu yiri Cameey.

Halkan hoose ka dhegeyso waraysiga…

Hadalsame Media