DAAWO: Mashiin is wada oo ay NASA u dirtay Meeraha Cas oo nabad tegey & muuqaallo uu sii diray! + Sawirro

0

(Cape Canaveral) 27 Nof 2018 – Mashiinka is wada ee ay NASA dirtay ee InSight ayaa isagoo nabad qaba ka degey meeraha cas ee Mars kaddib todobo daqiiqo oo uu ka hoobanayay baarashuudkii sidey, isagoo soo diray sawirradii ugu horreeyay.

Waloow uu sawirkii hore tayo xumaa oo ay bikaacyada kaamirada qarinayeen buskii iyo siigadiii ka kacday oogada meerahan, midkii labaad ayaa noqday mid tayo wanaagsan oo ay bikaacyada kaamiradu si wanaagsan wax ugu jeedaan.

Mashiinka ayaa haatan ku sugan meesha loo yaqaanno Elysium Planitia, oo ah dhul guban ah oo ay NASA ku naanaysto “baakinka ugu wayn Mars.”

Mashiinka ayaa nabad qaba iyadoo au si wanaagsan u shaqeeyeen qalab ku xiran oo kulaylka ka dhowra iyo baarashuudkii loogu tala galay inuu si deggan u laalaadiyo marka uu galo jawiga Mars, oo uu galay isagoo ka orod badan xabad rasaas ah marka lagu cabbiro xawaaraha dhulkan aannu ku nool nahay, waana isku day aan dhicin tan iyo 2012-kii.


Hadalsame Media