Xildhibaan Jeesow oo ka badbaaday isku day dil isagoo ka hadlay weerarka lagu qaaday

0

(Muqdisho) 20 Nof 2018 – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa maanta ka badbaaday isku day dil kadib qarax loo hoosgaliyay gaarigisia oo ah nuuc aan xabaduhu karin. Xildhibaanka ayaa xiliga qaraxu dhacayay waxa uu ku jiray goob ganacsi oo ku taala jidka Maka-Almukarama halkaas oo la sheegay inuu ka dukaamaysanayay.

Gaarigiisa oo banaanka goobta ganacsi yaalay ayaa mar kaliya waxaa laga maqlay qarax culus waxaana sida la sheegay ku dhaawacmay darawalkiisa iyo qof rayid ah.

Gaariga Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ahaa nuuca gaadiidka aysan xabbaduhu karin, hase ahaatee waxaa cajiib ah oo la iswaydiinayaa sida iyo cida qarax galisay gudaha gaariga xildhibaanka.

Ururka Al-Shabaab ayaa looga bartay weerarada nuucaan ah, hase ahaatee ma jirto cid sheegatay weerarkaan ugu dambeeyay.

Xildhibaan Jeesow oo ka hadlay weerarka uu ka badbaaday ayaa yiri:-“Waxaan nafteyda u huray qaranka, qarax iyo weerar laygu soo qaado waa waxaan u soo bareeray oo marna baqdin iguma beereyso,”

“Marar badan ayan ka badbaaday shirqoollada cadawga Shabaab laakin kan maanta ee qaraxa gaarigeyga laygu xiray laga yaabee Qorsheynta inuu Cadawga yeesho hasayeeshee waa lagala qeyb qaatay ciddey doontaba ha noqotee oo waa loo fududeeyay sida muuqata kamana hordhacayo baaritaanka,”

Hadalsame Media