AC Milan oo isu soo dhowaanaya (Hal arrin oo ay ku kala qaybsan yihiin)

0

(Milano) 04 Nof 2018 – Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira inuu Zlatan Ibrahimovic dib ugu soo laabanayo kooxda AC Milan taasoo meel wanaagsan iminka mareeysa, laacibka ayaana waloow u qandaraas kula jiro kooxda MLS ee LA Galaxy, Talyaaniga usoo duuli kara isla bisha soo aaddan, maaddaama aysan usoo bixin kulamada kala baxa ah.

Sida ku dhigan Corriere della Sera, Tuttosport iyo kuwo kale, Ibra ayaa aad ugu kulul inuu kusoo noqdo San Siro, oo uu Milan u dhaliyay 56 gool min 2010-12, isagoo had iyo goor sheega in Milan ay ahayd kooxda ugu wayn dhamaanba naadiyada uu usoo dheeley.

Milan ayaa la sheegayaa inay miiska u saartay qandaraas 6 bilood ah oo sanad kale lagu dheerayn karo haddii loo baahdo fasalka 2019-20, yeelkeede, Tuttosport ayaa qoraya in Swede-ku uu doonayo qandaraas qaam raam ah oo 18 bilood ah, iyadoo uu mushaarkiisu yahay €1.5m oo euro, balse gaaraya ilaa 4 milyan marka lagu daro lacago ay bixinayaan sponsors-ku.

Hadalsame Media