MAQAAL MICNE BADAN: Siyaasadda Sweden iyadoo CAKIRAN ayay cashar siyaasadeed Soomaalida u noqonaysaa!! (Ka warran marka ay caadi tahay?)

0

(Stockholm) 04 Nof 2018 – 9 Sebtembar ayay dhaceen doorashooyinkii guud ee Iswiidhan. 8 xisbi oo baarlamaanka galay midkoodna ma helin aqlabiyad uu xukuumad ku soo dhiso. Sidoo kale labadii gaashaanbuurood ee xisbiyadu u qaybsanaayeen qolana ma helin aqlabiyad.

Waxaa kale oo suuroobi waayay dadaal ay labada xisbi ee u gu waaweyni ku doonayeen in ay labada xulafo isu jajabiyaan oo aqlabiyad is oggol ka soo dhex saaraan. Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah xisbi midigta fog oo codad badan helay laakiin xisbiyadii kale oo dhami diideen in ay wax ku darsadaan.

Halkaas bay arrini fadhidaa ilaa imika, waxaana dhici karta in la gu qasbanaado in doorashadii mar kale la gu soo celiyo. Waxaas oo dhan oo jira dadweynaha dhexdiisa haba yaraatee taasi ka ma muuqato, qof ka hadlaya ama ku shuqlan in aad aragtaana waa dhif.

Hawlihii qarankana wax waliba sidoodii ayay u socdaan, la ga mana yaabo in aad dareento wax dhiman ama shaqo xayirantay ama baaqatay, sinaba. Sababtuna wax ay tahay, dalka waxaa ka jirta dawlad qarameed. Dawladdu waa isugeynta dhammaan hay’adaha, hawlaha iyo adeegyada qaranka ee ka la wada madaxa bannaan mid walibana shaqadeeda iyo shaqaalaheedu hawshooda is ka wataan. Ummadaha dawladda ah xukuumaddu (hay’adda fulintu) waa qayb yar oo ka mid ah qarannimada ballaadhan.

Sidaa darteed, in hawlwadeennadii xukuumaddii dhacday ay weli hawlaha fulinta sii wadaan haba yaraatee wax saamayn ah ku yeelan mayso hawlaha qaranka iyo adeegyada bulshada. Keliya waxa meesha ka maqani waa isbeddelladii yaryaraa ee xukuumadda cusubi la ga yaabo in ay keeni lahayd kol haddii ay ku shaqayn doonto miisaaniyad ku jaango’an siyaasadda xisbigeeda. Taasina ma aha wax sidaa u sii weyn.

Dalalka aynnu innagu ka midka nahay ma nihin dawlado ee wax aynnu nahay maamullo, maamulka ayaana ah qarankii iyo dawladdii oo dhan. Maamulkaa ayay wax waliba la dumaan ama la dhismaan. Ilaa aynnu dawladownana ka bixi maynno nacasnimada ah hebel baa tagay iyo hebel baa yimid.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media