ISKA JIR: London oo noqotay caasimadda taleefoon dafidda qaaradda Yurub!

0

(London) 03 Nof 2018 – Magaalada London ayaa noqotay magaalada ugu taleefan dafka badan qaaradda Yurub oo idil, waxaana sanadkaan aan ku jirno oo qura la dafay taleefoonnadii ugu badnaa.

Kooxaha fara laga qaadka ah ama gaangiistarrada ah ayaa la sheegay in ay dafeen in ka badan 4,400 oo taleefannada gacanta ah.

Sidoo kale jeeb-siibka ayaa London ka ah mid dad u kordhaya, waxaana jira tuugo si farsameysan dadka u jeeb-siibta oo xitaa haddii ay ku ag maraan taleefanka ama kolayga yar ee lacagta lagu qaato (wallet) dad markiiba waayeeyso.

Mohamed Dhoore

Hadalsame Media