”Kutubta waawayn oo dhami waxay dadka u ishaarayaan Islaamka” – Fannaanad caan ah oo soo Islaamtay!

0

(Dublin) 25 Okt 2018 – Fanaanad u dhalatay dalka Ireland oo la yiraahdo Sinead O’Connor ayaa ka baxday firqada Catholicism ee Masiixiga iyadoo soo gashay diinta Islaamka, iyadoo qaadatay magaca “Shuhada’ Davitt”.

O’Connor, oo sanadkii hore magaceeda sharciga ah u rogtey Magda Davitt, ayaa Twitter-ka ku faafisay inay ka baxday jamaacada kaniisadda Katooligga (Catholic Church) iyadoo soo qortay:

“Waxaan ku dhawaaqayaa inaan ahay Islaam ku faanaysaysa Muslimnimadeeda. Waa gebagebada qof kasta oo caaqil ah oo diimaha wax ka yaqaan. Kutubta diimaha oo idil waxay dadka u tilmaamayaan Islaamka, waxaa la i siin doonaa magac kale oo ah Shuhada’ ”

Hadalsame Media