”Annaga & Shiinuhu dagaal huri mayno!” – Jeneraal Maraykan ah oo sheegay xilliga uu dhici karo dagaal ay Shiinaha la galaan

0

(Warsaw) 25 Okt 2018 – Taliskii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Yurub ayaa ka hadlay arrin muujinaysa xiriirka sii xumaanaya ee Shiinaha iyo Maraykanka, isagoo saadaaliyay in ay labada dal foodda is gelin doonaan muddo 15 sanadood ah kaddib.

 U.S. Secretary of State Mike Pompeo © Reuters / Jason Lee
Mike Pompeo oo ah Xoghaye Dibadeedka Maraykanka ayaa dalalka Laatiin Ameerika uga digey Shiinaha

Ninkan oo ka hadlayay Madasha Amaanka ee Warsaw Security Forum, wuxuu jeneraalka howlgabay ee Ben Hodges hoosta ka xarriiqay in ay Maraykanku ay ciidamadooda u wareejin doonaan dhanka Badda Deggan ee  Pacific-ga si buu yiri “ay ula macaamilaan halista Shiinaha” – isagoo Yurub usoo jeediyay inay door firfircoon iyadu ka qaadato difaaceeda.

“Maraykanku wuxuu u baahan yahay tiir adag oo Yurub ah. Waxaan qabaa in muddo 15 sanadood ah — waloow aysan ahayn wax aan laga fursan karin — aad looga yaabo inaan Shiinaha dagaal la galno,” ayuu ka digey Hodges.

Hadalsame Media