Faahfaahin ku saabsan dagaal beeleed lagu dilay 30 qof oo dhacay gobolka Sool

0

(Muqdisho) 23 Okt 2018 – Tuulada lagu macagaabo dhumay oo ka tirsan gobolka Sool ayaa wali waxaa la sheegayaa inay ka taagan yihiin xiisado dagaal oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed.

Dagaaladdii ugu dambeeyay ee shalay iyo doraad ka dhacay Tuulada Dhumey waxay galaafteen nolosha in ka badan 30 ruux oo labada dhinac ka tirsanaa.

Odoyaasha dhaqanka deegaanka ayaa ku howlan in la kala dhexgalo dhinacyadan dagaalamaya waxaana sidoo kale ka hadlay maaamullada Puntland iyo Somaliland oo midba kan kale ku eedeynayo hurinta colaad beeleedkaan.

Hadalsame Media