SAWIRRO & MUUQAAL: Shiinaha oo ku guuleystay in badweynta dhexdeeda uu ka dhiso buundadii ugu weyneed dunida

0

(Muqdisho) 23 Okt 2018 – Madaxwaynaha Shiinaha (China) Xi Jinping ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Buundo laga dhisay badweynta dhexdeeda taasoo ah tii ugu balaarneed ee nuuceeda ah ee laga dhiso dunida.

Masaafadda dhirirkeeda waa ka badan yahay 55 kilomitir waxaana dhismaheedu socday muddo sagaal sanno ah, waxaana qarashka ku baxay lagu sheegay 15 milyan oo Giniga Istarliinka ah ama lacagta Ingiriiska.

Labo Jaziiradood ayaa iyana qeyb ka ahaan mashruucaan,waxaana buundadaani awood u leedahay inay ku safraan gaadiidka waaweyn ee basaska ah iyo kuwa kale.

Madaxawaynaha Shiinaha oo khudbad ka jeediyay xafladii furitaanka ayaa sheegay in tani ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay dalkiisa iyo guud ahaan gobolka.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgalay madax fara badan oo ka tirsan dalka Shiinaha iyo Jaziiradda Mainland.

Deegaanka laga hirgaliyay mashruucaan ayaa waxaa la yiraahdaa Zhuhai, waana mid ka mid ah run ahaantii goobaha loo asteeyay inay noqdaan aagaga ugu horeeya ee kobaca dhaqaalaha Shiinaha.

Hadalsame Media