DUNI CUSUB: Saldhig siinta Ruushka, la heshiinta Iiraan, go’doominta Israel, ka wareegista Doollarka & laba-laabka sicirka saliidda oo ka mid ah 30 tillaabo oo Maraykanka ka dhan ah oo uu Sucuudigu ku gooddiyay!!

0

(Riyaad) 15 Okt 2018 – Haddii uu Maraykanku cunaqabateeyo Sucuudiga, wuxuu “toorreey ku dilayaa dhaqaalihiisa” sida uu qabo madaxa Al Arabiya, waayo Sucuudigu waxay la heshiin karaan Iiraan, saliidoodana waxay Shiinaha kaga iibin karaan Yuan, halka ay casuumayaan millateriga Ruushanka.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa horay u sheegay inay ka ”aarsan doonaan” haddii ay Washington ka dhabeeyso hanjabaadda ku aaddan cunaqabayn ay saaraan Sucuudiga oo loo haysto Jamal Khashoggi oo wax ku qori jirey warsidayaal ay ka mid tahay Washington Post.

Turki Aldakhil, oo ah Maareeyaha Guud ee Al Arabiya, ayaa sheegay in Riyadh ay ka baaraan degeyso ilaa 30 tillaabo oo weerar celin ah oo ay qaadayso sida uu yiri haddii cunaqabatayn dhaqaale la saaro, kuwaasoo qaarkood ay is miidaamin siyaasadeed u muuqan karaan.


Op-ed la daabacay ayaa dhigaya in saamaynta ay Sucuudigu ku leeyihiin suuqa tamarta oo qur ihi uu dhaawici karo danaha Maraykanka. “Haddii sicirka saliiddu oo gaarey $80 uu ka caraysiiyay Trump, qofina meesha kama saari karo inuu gaari karo $100, ama $200, ama taa laba-laabkeed,” ayuu soo qoray, isagoo sheegay in tillaabooyinka ay Riyadh qaadi karto ay ka mid yihiin inay saliiddeeda ku bixiso lacagta Yuan-ka Chinese-ka, booskii Doollarka, taasoo jug wayn gaarsiinaysa Maraykanka oo ay lacagtiisu tahay kaydka lacageed ee dunida.

Waxaa kale oo ay Sucuudigu samayn karaan isbedello istaraatiji ah oo dheeraad ah, kuwaasoo ay uga goosanayso Maraykanka iyadoo ku faraq xiranaysa dalalka: China, Russia iyo Iran, sida uu qabo Aldakhil.

“Qofina meesha kama saari karo in cawaaqibka ka dhalan kara cunaqabataynta la sheegayo ay ku jiri karto Ruushka oo saldhig laga siiyo Tabuk,” ayuu yiri, isagoo ula jeeda gobolkan dhaca Woqooyi Galbeed Sucuudiga oo istaraatiji ahaan qiime wayn leh marka ay timaaddo shixnadaha Badda Cas u mara Yuhuudda. Tillaabooyinka kale lama faahfaahinin.


Hadalsame Media