MUGDI IYO MUSIIBO QARAN: Sheeko qalbiga taabanaysa oo laga diyaariyay qoys ka mid ah dhibanayaasha Qaraxii Soobe

0

(Muqdisho) 15 -Okt 2018 – Waa habeen mugdi ah waana saacidihii hore ee maalinkii mashaqada 14 octoobar, Eedo Xaawo oo aan lugaha qaadi karin hayeeshe isku dayeysa in ay halhaleel u socoto ayaa u gudubtay gurri dhanka bidix ka xigay midkii ay daganeed.

Waxay labada gacan ku heysataa DIGSI ay cunto ku jirto, malaheyga waa BARIIS, si ay isaga ilaaliso kuleylka DIGSIGA waxaa kaga koreeya oo ay ku qabsatay istiraasho, COD aan dheereyn oo yara daciif ah ayay ku celcelineysaa “ Illaahow midaan ha nagu cadaabin” Illaahow midaan hanagu cadaabin!

Waxay ka murugsaneed ogaal la’ida ilmaha jaarkeeda ah oo iyagoo qadsan oo banaanka tuban isla markaana hooyadood la waayay, aabhihiina raadiskeeda ilaa saacaas ku maqanyahay oo ay qeyladooda iyo oo yintooda kuso baxday!!!

ilmaha gabadha ugu weyn oo qiyaastii 12 jir ah ayaa midba mar aamusineysa ilmaha, iyadoo kor u sidata wiilka cidda ugu yar oo aan sedex sano qiyaastii wali gaarin.

Qof walba tiisaa heysataye, markaas ayayba reeraha deriska ku soo baxbaxayaan oo laba laba ayay deriska u leeyihiin , Ilaahow soo sahal iyo Meesha ay fadhisay waa danbas oo waxba kama harin, waxaase niyadda lagu dhisanayay inay ka maqneed ayaa dhici karta, hadaladaas badankoodu waa nux-nux oo ilmaha in la dareensiiyo lama rabo.

Eeda Xaawo la ftirkeeda goor dhow ayay timid gurriga oo waxay ka soo war dooneysay Ruqiyo Cmar oo deris la ah. Waxay islaheed bal wareyso in mashaqadii maanta dhacday in Allaah si uun uga badbaadshay.

Ruqiyo waxay aheed hooyo dashay 7 caruur oo isku nuug ah. Yacni, sanado badan kalama weyna caruurta oo waa yaruurac caato u badan. Waxay maalinkii ku kalihi jirtay goobteeda ganacsi oo ay ku laheed ka soo horjeedka Isgoygka KM5 ee daarta Zoobe.

Waxay iibisaa shidaal, iibinta shidaalka waxay kala kulmi jirtay dhibab badan,meeshu waa saxmad badantahay oo waxay ilaalo il dhowr ah kaga jirtay ilma yaryar oo darbi jiif ah kuwaas oo ku soo qamaama markii ay saxmadu badanatahy si ay wax u xadaan , sidaa daraadeed goobteeda ma dhaafi jirin xitaa salaadaha meeshaaas ayay ku oogi jirtay.

Subaxii iyadaa ilmaheeda quraacda u boobsiin jirtay oo hadana kala siin jirtay, inta dugsiga aadeysa ayay allaseeydii hore kala diri jirtay, markaas kadib ayay gurriga ka soo baxdaa.

Marar badan ayey quraacda haleelin iyadu. Marka ay sidaas dhacdo Qado ayay ka dalban jirtay maqaayada Fatxi oo ku dhegan xarunteeda ganacsi ee hareerta laamiga weyn ee Zoobe, halkaas oo cuntada loogu keeno laba bacood oo yar yar.

mid cabitaan ayaa loogu keena midka kalana Bariis ama Baasto ayaa badanaaba ku jira, iyadoo cuntada dhameysan ayay mar mar inta gaari shidaal raba soo istaago isaga dhaqaaqdaa, hooyo Ruqiyo waa qof adag-adag oo dib uguma laabato, marba haddii ay ka gacan dhaqato, taas oo dhaxalsiisay in Cudurka Gaas-ku uu ku dhaco wax Daawo ah ma qaadan jirin waxay isaga daaweyn jirtay caano Booro barax ah habeenkii ilmaha ii qasa ayay dhihi jirtay.

Gurigeeda ayay u soo hoyan jirtay oo ilmaheeda oo dugsi yimid ayay u boobsiin jirtay adeeg ay galabihii suuqa ka soo marto. Gurriga raashin uma oolin oo waa mare reerka oo iska tabaryaraa iyo ilmaha oo anba gaarin inay wax karsadaan.

Sida caadada u aheed subaxii 14 Oktoobar ayay nabadeeda ku ka lahday waxayna u dhaqaaday xarunteedii ganacsi iyadoa ilmaheeda u xoogsi tagtay. Waxay naawileysay soo noqod nabadeed hayeeshee ma dhicin.

Hooyo Ruqiyo mar iyo meel caruur looga tago kama tagine ee rabbigii lahaa ayaa oofsaday waxay gashay boqolaal lagu xasuuqay xaqdaro, mahadho iyo murugana kaga tagay ifka, urugo iyo uur ku taalana ku reebay qoysaskoodii.

F.G: (Tani waa hal-sheego oo kuu sheegaysaa saameynta musiibadii Qaraxii Zoobe ay ka dhaxleen kumanaan qoys oo soomaali ah, qeyb ahaan sheekada waa run hayeeshe waa la farshaxameeyay magacyaduna ma aha magacyada dhibanayasha oo run ah).

W/Q:- Cabaas Cabdi

Hadalsame Media